Quantcast
Channel: Barnaamijyada – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 68

RASMI: Kooxda dekedda FC oo soo bandhigtay xiddigo cusub oo ay suuqa kasoo qaateen,kuwaasi oo kooxo dhowr ah baadi goobayeen+ SAWIRO

$
0
0

IMG_4411

(Paris) 19 Juunyo 2016. Kooxda kubadda cagta dekedda FC ayaa la soo wareegtay afar ciyaaryahan oo ka ciyaarta horyaalka heerka koowad kuwaasi oo si xor ah kooxda ula soo wareegtay.

Dekedda FC ayaa oo sanadkan ku dhameesatay aalinta labaad ee kala sareynta horyaalka dalkeena ayaa waxaa ay  dooneysaa in ay ay suuqa ka soo dukaameesato waqti hore si ay sanadka soo socda ugu guulaysato horyaalka oo ay waqti hore ugu dambaysay.

Ciyaartoyda ilaa hada la shaaciyay in ay soo qaateen ayaa saddex kamid ah waxa ay u ciyaaran kooxda Saxafi FC,halka ciyaaryahanka kale uu u ciyaaro kooxda Elman Fc.

Kooxda Saxafi FC waxa ay ka soo qaateyn ciyaaryahanka kabtanka u ahaa waana bile Muxudiin Buraale,sido kale ciyaaryahanka qadka dhexe ku caan baxay Axmed Xasan Maxamed Ciyow (Macani),Iyo ciyaaryahanka daafaca ugu ciyaaro kooxda saxafi xasan siidow Hiloowle,sido kale Kooxda Elman ayay ka soo qaateyn daafacoda Xasan Afgooye.

Si kastaba ha ahaato kooxda dekedda ayaana sanadkan u muuqata mid u hamuum weeyn u qabta hanashada horyaalka markuude ugu horeeysay tariiqda .

Bile Muxyidiin Buraale waxaa uu ahaa hogaamiyihii hore ee kooxda Saxafi,Xasan Siidow Hilowle waxa uu ahaa daafacii hore ee kooxda Saxafi, halka Axmed Xasan Macaane oo isagana qadka dhexe ugu ciyaaray isla kooxda Saxafi heshiiska saddex ciyaartooy ayaa imaanaya xili ay kooxda Saxafi u laabtay horyaalka heerka labaad ama (Devition Two),Xasan  Afgooye isagan waxa uu ahaa daafac waqti dheer la soo qaatay kooxda kubbada cagta Elman.

W/D Cabdifitaax C/rashiid Abuukar(Nani)

 

_MG_4356_MG_4362IMG_4366IMG_4368IMG_4372IMG_4379IMG_4386IMG_4393IMG_4398IMG_4400IMG_4404IMG_4411IMG_4413

13453042_1014606278575158_861818827_o

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 68

Trending Articles