Quantcast
Channel: Barnaamijyada – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 68

Kooxda Banaadir SC oo diyaar garow ugu jirta ka qayb galka koobka kooxaha ee CECAFA(GOOL FM oo booqasho ugu tagtay)DAAWO SAWIRRO

$
0
0

IMG_0265

(Muqdisho) 22 Juunyo 2016. Kooxda Kubbada cagta ee Banaadir Sports Club ayaa waxaa ay wadaa diyaar garow balaaran oo ku aadan ka qayb galka tartanka koobka kooxaha bariga iyo bartamaha Africa kaasi oo aan wali la shaacin wadanka lagu qaban doono .

Koox wariyaal ah oo katirsan idaacada cayaaraha ee Gool FM ayaa booqday garoonka jaamacadaha ee degmada Hodan kaasi oo la dhigay cows macmal ah waxaana tababar ku qaadanaya kooxdaasi heerka koowaad waxaana uu leeyahay garoonka Hotel Jiif inkasta uusan wali shaqeen .

 Kooxda kubadda kubbada cagta ee Banaadir Sports Club ayaa waxaa ay haatan wadaa tababarkeeda muddo laba todobaad ah waxaana soo wada xaadiray dhamaan 23 ka ciyaaryahan ee u diiwaan gishan sidoo kale la tababaraanaayay ciyaaryahano kale sida Maxamed Nuur Shaarkeey iyo xiddiga kooxda Dekedaha Cabdi Kariin Qubaaye inkasta oo aan la hubin in  ay si rasmi ah u soo qaateen.

Daadir Amiin Cali (Daada) kabtanka kooxda Banaadir SC ayaa u sheegay Gool FM ayaa waxaa uu sheegay in ay koox ahaan dhan kasta ka diyaar garoobeen waxaana uu ugu baaqday taageereyaasha in ay garabkooda taagnaadaan .

Cabdi weli Colaad Qanyare (Gaatamow) oo qayb ka ah macalinmiinta qaybta gool waleyaasha kooxda Banaadir SC ayaa waxaa uu ku nuux nuuxsaday in sanadkan ay diyaar garow u galeen sidii ay natiijo wanaagsan ugu keeni lahaayeen tartankan ay soomaaliya u matalayaan waxaana uu intaa raaciyay in ay isku filanyihiin oo ay difaaci doonaan calanka soomaaliya .

Macalinka tababarka siinaya oo ah daaficii rug cadaaga ahaa ee ciyaaraha xagaagan ka fadhiistay Mustaf Shiikh Cali (France) oo haatan isaga tababarka uu bixinaayo ayaa isna dhankiisa ku nuux nuuxsaday in uu aad u yaqaano tartamada CECAFA oo uu khibrad balaaran u leeyahay maadaama uu yiri in uu baxay isaga oo ciyaaryahan ah wax badan kudhawaadna 20-sano uu ku guda jiro howlaha cayaaraha balse sanadkan isaga oo macalin ah uu kooxda Banaadir wadi doono uuna rajeenaayo in uu guulo ka keeni doonaan .

Guddoomiyaha kooxda Banaadir SC Abuukar Maxamed Shiikh ayaa waxaa uu Gool FM ugu amaanay sida ay ugu qayb qaadanayso horumarka cayaaraha dalka waxaana uu ka hadlay sida uu sanadkan kooxdiisa farsamo ahaan ugu diyaar garoobeen in ay natiijo wanaagsan ka keeni doonaan waxaana uu intaa raaciyay in aysan jirin ciyaaryahano ay lasoo wareegayaan xilli ciyaareedkan tartanka ay aadayaan ee CECAFA  waxaana uu sheegay in wixii farsamo ah uu u deenaayo macalinka kooxda oo hada safar ku maqan/

Kooxda Kubbada cagta ee Banaadir SC ayaa waxaa ay sanadkii labaad muddo saddex sano ah ku qaaday horyaalka soomaaliya ku qaaday iyada oo aan laga badin waxaana sanadkan ay wataan xiddigo muhiim ah oo wax ka keeni kara tartankaasi oo aan wali guddiga cayimin wadankii marti galin lahaa.

W/D : Cabdullaahi Xasan Baliil

Sawir qaade : Cabdifitaax C/rashiid Abuukar(Nani)

DAAWO SAWIRRADA :

IMG_0252 IMG_0253 IMG_0256 IMG_0258 IMG_0259 IMG_0261 IMG_0262 IMG_0263 IMG_0264 IMG_0265

IMG_0267 IMG_0268 IMG_0269 IMG_0270 IMG_0271 IMG_0272 IMG_0276 IMG_0280 IMG_0283 IMG_0284 IMG_0285 IMG_0286 IMG_0287 IMG_0297 IMG_0298 IMG_0299

IMG_0384 IMG_0307 IMG_0382 IMG_0301 IMG_0302 IMG_0303 IMG_0304 IMG_0305 IMG_0379 IMG_0311 IMG_0309 IMG_0310 IMG_0385 IMG_0314 IMG_0386 IMG_0315 IMG_0387 IMG_0317 IMG_0319 IMG_0389 IMG_0321 IMG_0390 IMG_0391 IMG_0393 IMG_0395 IMG_0396 IMG_0398 IMG_0399 IMG_0323 IMG_0327 IMG_0405 IMG_0407 IMG_0331 IMG_0334 IMG_0336 IMG_0411 IMG_0338 IMG_0412 IMG_0413 IMG_0414 IMG_0346 IMG_0347 IMG_0350

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 68

Trending Articles