(Muqdisho) 18 Luuliyo 2016.Dhageestayaal kusoo dhawaada barnaamijka Falanqaynta Ciyaaraha ee Gool FM oo habeen kasta marka laga reebo habeenka jimcaha ka dhageestaan Radiyaha Gool waxaana lagu gorfeeyaa arrimaha cayaaraha Gudaha oo diirada lagu saaro sidii kor loogu qaadi lahaa adinka oo ku dhageesan doona waraysiyo kale duwan.
Sida aad la socotaan waxaa magaalada Muqdisho ka socda tartanka kubadda cagta ee maamul Goboleedyada Soomaaliyeed iyada uu marayo kulamadii labaad halka qaar ay dheelayaan kulankoodii koowaad sida Gal Mudug si aan dadwaynaha Sportska Soomaaliyeed ugu warbixino waxaa Barnaamijka Falanqaynta Ciyaaraha Gabi ahaanba ku falanqeenay kuna qaadanay waraysiyo arrimahaasi ku aadan waxaana dadka magaca leh ee igala qayb galay ee waraysiyada siiyay idaacada Gool FM kamid ahaa
1=Wasiirka wasaarada Cayaaraha iyo dhalinyarada ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdullahi Cabdi Cumar
2=La taliyaha Wasaarada Cayaaraha iyo dhalinyarada ee Maamul Goboleedka JubbLand Mudane CabdiSamad Shiikh Qaasim
3=Agaasimaha Wasaarada Cayaaraha iyo dhalinyarada ee Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Eng Cumar Cabdi Maxamed
4=Madaxa wafdiga Maamul Goboleedka JubbLand ahna guddoomiyaha xiriirka maaulkaasi Axmed Faarah Taqabl(Tima Jilac)
5=Madaxa wafdiga Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Cabd Fitaax Cabdullahi Warsame
6=Xildhibaan Maxamed Geedow Cawaale xildhibaan ka tirsan maamul Goboleedka Galmudug
Barnaamijka waxaa idiin daadihinaya wariye Cabdullaahi Xasan Sulaymaan (Baliil) oo waraysiyada qaaday soona saaray barnaamijka.
HALKAN KA DHAGAYSO BARNAAMIJKA
Gool FM