Quantcast
Channel: Barnaamijyada – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 68

Shan rikoor oo uu sameeyey Lionel Messi, laakiin Cristiano Ronaldo uusan waligiis sameyn doonin!!

$
0
0

(Yurub) 29 Luulyo 2019. Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa ah labada xiddig ee kubadda cagta caalamka maamulayay 12-kii sannadood ee la soo dhaafay, waxa ayna labada xiddig ku tartameen koobabka iyo billadaha shaqsiga ah taasoo dhalisay in iminka la kashifo siro badan oo ku saabsan xiddigahaan tiyoo ay jirto in wali an xal loo helin su’aasha ah keebaa wanaagsan labadaan xidig ee Leo iyo CR7? .

Inkastoo uu Messi da’ahaan ka yar yahay CR7 loogana soo horreeyay garoomada kubadda cagta, haddana waxa ay labadan xiddig sanad kasta bixiyaan dadaal uu midba midka kale ku doonayo in uu kaga hor maro, waxaana iminka idinla wadaageynaa farqiga iyo sida uu Messi u haysto shan rikoor uu uusan waligiis jabin doonin Cristiano Ronaldo.

Waxaa xusid mudan in aan goor dhaw idin la wadaagi doonno muuqaal kale oo midkaan la mid ah, kaasoo aan kaga hadli doonno rikooro  uu Cristiano Ronaldo sameyay Lionel Messi-na uusan waligiis sameyn doonin ee la soco muuqallada aynu bartaan soo galino.

Warbixintaan ka hadlaysa shan rikoor oo uu sameeyey Lionel Messi, isla markaana uusan Cristiano Ronaldo waligiisa sameyn doonin waxaa wadajir u soo jeedinaya Shaafici Maxamuud Nuur (Shaafinho) iyo Nimco Cabdullaahi Magan ee fikirkaaga noogu reeb qeybta hoose.

VIDEO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 68

Trending Articles