(Muqdisho) 24 Dis 2016.Kooxda AC Milan ayaa ku guulaystay koobka Supercoppa Italiana oo finalkii koobkan ay rekoodhayaal 4:3 ah ay ku garaacday kooxda Juveventus. AC Milan ayaa markeeda ka aarsatay Juventus oo bishii May waqtigii dheeriga ahaa ee finalkii Coppa Italia ku garaacday waxaana Juventus rekoodhayaashii ay tuureen lumiyay Mario Mandžukić iyo Paulo Bruno Dybala iyada uu Mario Pašalić ayaa AC Milan u dhaliyay rekoodhaha guusha ee Juventus qalbi jabiyay.
Goolhaye Donnarumma oo 17 sano jir ah ayaa noqday geesa soo nooleeyay xusuustii koob ku guulaysi ee AC Milan isaga oo kulankan ka sameeyay 8 gool badbaadineed intii ay ciyaartu socotay waana gool badbaadintiisii ugu badnayd ee uu kulan ka sameeyay wuxuuna sidoo kale noqday halyayga Milan rekoodhayaasha ugu guulaystay.
Hadaba waxaan idiin soo gudbineenaa warbixin xiiso badan oo ka hadlaysa Guushii Milano ee koobkaasi iyo wixii laga bartay waxaana soo jeedinaya wariye Cabdullaahi Xasan Sulaymaan(Baliil)
DHEGAYSI WACAN
Gool FM.