(Dortmund) 12 Abriil 2017. Taageereyaashii Monoco waxaa kexeeyey kuwa Borussia Dortmund kaddib markii ay ku go’doomeen magaalada maadama la baajiyey kulankii u dhexeeyey labad naadi.
Kulankan la filayey in uu Westfalenstadion ka dhaco 9:45Pm saacadda bariga Africa salaasadii ayaa loo bedelay arbacada kaddib markii qaraxyo lala eegtay bus-kii Dortmund, waxaa ku dhaawacmay Marc Bartra.
Taageereyaasha BVB waxa ay soo dhigeen Twitter-rada qoraalo sawirro wado oo ay u baaqayeen saaxiibadood in ay how siiyaan jamaahiirta martida ah #bedforawayfans.
Mid ka mida Sawiradda ayaa muujinayey taageereyaasha Dortmund oo la casheenaya kuwa Monoco.
Qaar kale ayaa Iyana tusayey iyaga oo ku jira fadhiyada guryohooda halka ay calamadooda darbiyada sur sureen.
Midka mida ayaa soo qoray: “Marka ay kubadda cagta mideyso dunida.”
Qaar kale ayaa aad ugu mahadceliyey deeqsinimada iyo wanaagsa taageereyaasha Dortmund.
Gool FM.